XOG dheeraad ah oo laga helay kulan Taliye Odawaa la qaatay safiirka Mareykanka iyo Taliyaha AFRICOM

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kummaandooska DANAB.

Safiirka Mareykanka iyo Taliye Stephen Townsend ayaa waxaa ay si wadajir ah kulan ula yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday taageerada Mareykanka ee ku aadan Ciidamada Xoogga dalka iyo tababarada Ciidamada, wuxuuna Taliye Odawaa Safiirka iyo Taliyaha AFRICOM ee qaaradda Afrika uga mahadceliyay booqashada ay ku tageen Balli-doogle.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa la tilmaamay inay kormeer ku tageen qeybo kamid ah Saldhigga Balli-doogle ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.