XOG dheeraad ah oo laga helay u jeedka kulankii ka dhan ahaa R/W Rooble ee ka dhacay Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Madaxtooyada ee dalka laga maamulo waxaa xalay ku soo dhamaaday shir u dhaxeeyay MW-ne Farmaajo, taliyaasha ciidamada QARANKA, taliyaasha Saldhigyada Muqdisho, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka waxa uuna shirka qaatay muddo saacad ka badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in masuuliyiintii uu lakulmay faray in aysan faro gashan arrimaha doorashada shaqana ku laheyn, in laga hortago rabshado kasta oo dalka ka dhaca gaar ahaan Muqdisho, in la xoojiyo la dagaalanka maandooriyaha iyo sugidda amaanka.

Dhanka kale ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo kulanka ka qaybgalay ayaa  sheegaya in kulanka uu ahaa mid ka dhan Ra’iisul Wasarae Rooble, kaasoo daba socday hadalkii kasoo baxay Taliyaha ciidanka Badda oo Rooble ku eedeeyey xatooyo Qaran.

Sidookale shaki badan ayaa ku geedaaman shirkii xalay waxaana la sheegay in Madaxweynaha aad ugu cel celiyay in aan qayb laga noqon laga noqon wax kasta oo la xariira doorashada iyo in laga hortago rabshadaha balse ma sheegin nuuco rabshado ee laga hortagi doono iyo xiliga ay ku aadan yihiin.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xili uu soo ifbaxay khilaafka Rooble iyo Farmajo ee ku aadan eedeynta boobka dhulka la sheegay iney leeyihiin ciidamada Badda.