XOG Dheeraad Ah Oo Lagaelay Ujeedka Kulankii Guudlaawe, QoorQoor iyo Wasiirada Hawiye.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulankii xalay dhexmaray wasiirrada Hawiye iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa xaqiijinaya in ay ka wadahadleen qorshe dib loogu soo nooleynayo dooda matalaadda Gobolka Banaadir.

Qorshahan ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo korkacayo waxaana looga golleeyahay in lagula dagaallamo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo arrinkaan diidan.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qorshahaan ka damacsan in loogu raadiyo kasbashada taageerada Beesha Hawiye oo la rumaysan yahay inay kasoo jeedaan Musharaxiin badan oo Mucaarad ah oo aad uga soo horjeeda Farmaajo.

Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa arrinkaan soo jeediya waxayna ka dhigi doonaan dood iyaga ka socota, kadibna lagu lamaaniyo kulamo-beeleedyo iyo bannaanbaxyo Mudisho ka dhaca oo lagu dalbanayo matalaadda Banaadir.

Xog aan ka helnay kulan ayaa sheegaysa in xiisaddaan la qorsheeyay in lagu soo beego 8-da Febraayo iyo maalmaha ka horreeyo ee inta aan la guda gelin doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka.