XOG:- Diyaarad hub sida oo ka degtay Magaalada Dhuusamareeb.

Hub lasoo galiyey Muqdisho
Hub lasoo galiyey Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in diyaarad hub sida ay ka degtay magaalada Dhuuso mareeb waxaana la sheegay in murashax xildhibaan Saadaq John in ciidankaasi iyo hubkaba lagu ilaalin doono.

Kursiga General saadaq john utaagan yahay waa midka uu ku hardami doono mar kale Xildhibaan Abtidoon yare waloow saadaq la sheegay inuu ku guuleysan karo.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa hore uga digay in hub aan lala geli karin Dhuuso mareeb iyo Gaalkacyo oo doorashada golaha shacabka.

Kudhawaad 100 Askari iyo Hubkooda ayaana la sheegay in Saadaq John uu la tegay Dhuuso mareeb waxaana waayihii dambe uu saaxiib la ahaa Qoor qoor oo kursiga in lasiinayo loo ballan qaaday.

Abshir Maxamed Bukhaari gudoomiye kuxigeenkii hore ee golaha aqalka sare ayaa sanadkaan la doonayey in kursiga golaha shacabka Hop#248 uu utartamo balse xogo soo baxay ayaa la sheegay inuu General saadaq john utanaasulay.