XOG: Dowladda Xasan Sheekh oo Bixin la’ Mushaarka iyo Gunnooyinka Xildhibaannada iyo Wasiiradda.

MUQDISHO AYAAMAHA Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo wajahday dhaqaalo daradii ugu xumeyd mudooyinkan, kadib markii qaar kamid ah dowladihii dhaqaalaha ku taageeri jiray ay ka jarteen lacagihii ay ku kabi jireen miisaaniyada dowlada.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo aheyd gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka taageeri jirtay dhaqaalaha ayaa waxay sameysay dib u garasho dhaqaale kadib markii ay Xasan Sheekh ka waysay balalmihii ay wadagaleen, taasna waxay sababtay in dhaqaalihii ay dowladda siin jirtay ay jarato.

Dhanka Kale dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay tahay dowladda ugu musuqa badan dowladihii soo maray Soomaaliya, waxaana la sheegay in canshuurta dowladda ay dad gaar ah loo gacan geliyey, taas sababtay in xitaa mushaarkii xildhibaanada iyo shaqaalaha la waayo.

Muddoomiyinkii dambe Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlaayey arrinta musuqa ayaa dhowr jeer waxaa uu kusoo celceliyey ka hadalka musuqa baahay ee ka jira dowladiisa  iyadoo loo xiray dhowr agaasimiyaal hoose haseyeeshe waxaa ay dadka iswey dinayaan  madaxweyne Xasan Sheekh ma arki waayey musuq maasuqa ka jira Madaxtooyada iyo madaxda ugu sarreysa dalka, keliya shaqaalaha hoose ee dowladda miyaa musuq sameeya mase dadka ayaa  lagu maran habaabinayaa si dadka loogu mashquuliyo.