XOG:-Fahad oo xilka agaasimaha NISA ku wareejinaya Nin isaga ka “halis badan” iyo Qorshahiisa cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa ayaa maalmaha soo aadan wuxuu mac-salaameynaya xilkiisa hay’adda NISA, sidda ay sheegeen ilo wareedyo la isku haleyn karo.

Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo dad si weyn ugu dhow, Fahad, gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo, ayaa bilaabaya ololaha uu ku doonayo in uu ku hanto kursi ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka federaalka.

Fahad ayaa, sida ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu ka shaqeynayaan sidii uu xilka ugu wareejin lahaa Cabaas Yacquub Xasan, oo hadda ah madaxa qeybta macluumaadka tiknoolajiyadda ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Cabaas, oo culuumka IT-ka kusoo bartay Pakistan, ayaa kamid ah shaqsiyaadka sida weyn gacansaarka ula leh Fahad Yaasiin, mid kamid ah agaasimeyaashii ugu qalafsanaa ee soo maray hay’adda NISA tan iyo markii dhidhibadda loo taagay.

Bishii August ee sanadkii 2019 ayaa Fahad Yaasiin waxaa loo magacaabay jagadda agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Magacaabida waxay timid markii tobban bilood uu ahaa ku simaha taliyaha guud iyo ku xigeenka ee NISA.

Yuu la baratamayaa Fahad?

Iyadda oo degaan doorashadiisu ay tahay Jowhar, wariyihii hore ee telefishinka Qadar laga leeyahay ee Al Jazeera wuxuu wajahayaa Faarax Sheekh Cabduqaadir, mid kamida jilba-weynta xulafada madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha haatan ee HirShabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kahor goobta coddeynta wuxuu gacan hore siiyey Fahad kaasoo si madax-banaan u soo xushay xubnaha maamulka ku metelaya guddiyada doorashooyinka dalka.

Iyadda oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku lug-yeeshay dhacdooyin uu murqo siyaasadeed ugu yeelayo xubno ku heyb ku ah kuna jira dowladnimada iyo hay’addaha ammaanka, Fahad ayaa si weyn isugu haleynaya taageerada dowladda Qadar.

Inkasta oo Qadar ay beenisay in ay xiriir la leedahay Fahad iyo maamulka haatan jira ee xilheyntiisa dhamaatay, Dooxa ayaa lagu eedeeyay in ay maalgelisay weeraro afartii sano ee lasoo dhaafay lagu beegsaday siyaasiyiin mucaarad ah.

Bishii lasoo dhaafay, Qadar ayaa isku-soo-jiiday Soomaaliya iyo Kenya oo xurguf diblumaasiyadeed oo dhabaha u xaartey in Muqdisho ay xiriirka u jarto Nairobi ayna erido danjiraha reer Kenya wallow muddooyinkii dambe ay isku soo dhawaadeen.