XOG:-Fahad Yaasiin oo beeshiisa ‘ka diiday’ in loo xiro kursiga iyo natiijadii ay kula kulmeen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa ku saabsanaa jagada xildhibaanimada beesha in sanadkaan la siiyo Fahad uuna codsaday iyaguna odayaasha ay ballan uqaadeen in lasoo saaro.

Odayaasha Beeshiisa ayaa ku adkeystay in kursiga cidna loo xirin balse si cadaalad ah loogu tartamo, taasoo Fahad Yaasiin ka carooday.

Kusimaha agaasimaha Hay’ada NISA Gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey ayaa horey ugu guuleystay in kursiga keligiis oo xiray balse waxaa ka taagan muran xoogan oonka dhashay xirista kursiga qof gaar ah.

Kursigaasi waxaa ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir hase ahaatee sanaadkaan waxa uu la kulmayaa cadaadis weyn oo kursigaasi ah.

Lataliyaha Amniga qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo bishii September magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lacag badan ku bixinaya sidii kursiga xildhibaanimada loo siin lahaa.

Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Farmaajo ayaa doonaya in Fahad,Kulane & Xubno kale oo aad ugu dhaw Xafiiskiisa Xildhibaan lagu soo saaro iyadoo la adeegsanayo dhaqaale badan.