Xog: Fahad Yaasiin oo Gacanta ku dhigay Guddigii doorashooyinka Hirshabeele

Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka socda maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa goordhow la filayaa in la soo saaro.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegaya in xubnihii cabashada laga keenay qaarkood lagu beddelay kuwo ehelo la ah, halka xubno ay dood ka taagneyd oo caddeymo loo la’aana la soo celiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu mar kale saameyn ku yeeshay guddiga labada heer ee dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo lagu daray xubno uu isaga wato.