XOG:- Fahad Yaasiin oo qorsheynaya inuu dab kusii shido khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne ee Mohamed Abdullahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maalmihiia soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil dhinaca Hay’adaha Amniga ah ayaa inoo sheegay imaatinka Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah ay ka keentay dalka Turkiga.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Waxaa sidoo kale Fahad la socday saraakiil kale kuwaa oo si dhaw isaga ula shaeeya iyadoo ay xusid mudantahay in imaatinkiisa isha lagu wada hayo.

Fahad Yaasiin ayaa dacwad ay ka taalaa maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaana loo heystaa sarkaalad Ikraan Tahliil oo raq iyo ruux aan lagu heynin.

Farmaajo ayaa aad u difaacaya Fahad isagoo gadaal marsaday islamarkana diidan in baaris iyo dacwad lagu soo oogo.

Xog kale oo aan helnay ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo dhiiranaan iyo kalsooni buuxda soo gashay markii uu yimid Fahad Yaasiin oo ah nin siyaasada aad u yaqaan lana aaminsan yahay in talada dalka oo dhan isaga gacanta ku haayey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la imaan doono gorgortan cusub oo uu lagalk doono Ra’iisul wasaare Rooble, taasoo khilaafka sii hurin doonta, maadaama la sheegay in Fahad Yaasiin qorshihiisu aanan aheyn in la xaliyo arrimaha taagan ee kiiska Ikraan iyo arrinta Ha’adda NISA.