XOG:-Farmaajo, Bashiir Goobe iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo shir xasaasi ah ku dhexmaraya Villa Soomaaliya.

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa hadda Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Farmaajo, iyadoo uu wehliyo Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo labadii cisho ee la soo dhaafay waday dadaalada xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu si’ahaan aqbalay in taliayaha NISA uu soo magacaabo Madaxweynaha Waxaase arinka ugu adag uu hadda noqday Wasiirka Amniga oo dhanka Villa Soomaaliya si adag ay u diidantahay.