XOG:-Farmaajo laga soo xiray albaabkii weynaa ee uu ku tashan jiray.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad, ee JFS, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa 25 September 2021, Ra’iisl Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, u diray waraaq uu ku caddeeyay in lasoo afjaray howshii Baarlamankii 10-aad.

Wuxuu Guddoomiyihii hore ku sheegay in Baarlamaankii 10-aad uu doorasho aaday, sidaas daraaddeed, uu Guddoonka Goluhu go’aansaday inuu Xukuumadda dib ugu soo celiyo Hindiseyaasha Sharci iyo Heshiisyada aam wali la meel marin ee waqtigu ka dhacay.

“Maadaama ay Xukuumadda Federaalka ku jirto xilliga xilgaarsiinta, Golaha Shacabkuna hadda doorasho u baxayo, waxaan halkan kugu soo celinaynaa Hindiseyaasha Sharci iyo Heshiisyada warqadan dhabarkeeda ku qoran si aad ugu Wareejiso Golaha Wasiirrada cusub iyaguna ugu gudbiyaan Baarlamaanka cusub ee 11aad ee JFS Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri, waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Ilo xog ogaal ah sheegay in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ay si weyn kaga caroodeen, tallaabada uu qaaday Maxamed Mursal, ee ka turjumeysa in aysan jiri doonin Baarlamaan danbe, oo si sharci darro ah ugu adeaga kooxdaan eeduhu dul-hoganayaan.

Farmaajo, ayaa caan ku ahaa, in mar kasta oo xaaladdu ku adkaato, uu ku dhex rafto Golaha Shacabka, isagoo isku diba-ritay, koox u alalaasta oo meel marisa go’aan kasta oo ka soo baxa xaafiiskiisa, hayeeshee, hadda albaabkaas ayaa si buuxda u soo xirmay.

Cadaadis xooggan oo Mursal kaga yimid, Wakiiladda Soomaaliya ee Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo saamileyda Siyaasadda Soomaalida, ayaa qasab ka dhigtay inuu soo saaro waraaqdaan.

Bartamihii bishaan Fahad iyo Farmaajo, ayaa qorsheeyay in xubno ka tirsan Baarlamaankii Golaha Shacabka ee waqtigu ka dhamaaday ay qaab fowdo ah xilka kaga qaadaan Ra’iisul Wasaaraha, isla-markaana ay ku dhawaaqaan in Baarlamaaku dib u soo celiyay muddo kordhintii laga laabtay, hayeeshee, Guddoonka Golaha ayaa ku kala jabay arrinkaas.

Mursal, wuxuu qeyb ka ahaa, koox isku xil-saartay in ay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble, waxaana waan-waantii ay isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, garwadeynta ka ahaayeen, ka sii socon weysay Farmaajo.