XOG:- Farmaajo oo iska leexiyey “qorshihii Afgembiga” dushana u saaray Taliye ciidan!.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu iska leexiyey qorshihii afgembiga dhicisoobey ee maanta ka dhacay Villa Somalia, isagoo dusha usaaray  sarkaal klae.

Wararku waxaa ay sheegayan in “qorshaha la bedelay lagana dhigay in Farmaajo uusan bixin amarka ay ciidanka ku galeen xafiiska RW Rooble” iyo guud ahaan dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka jira Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Milateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka Guutada Madaxtooyada Xasan Aadan Dhicis, waxaana xilkaan loo magacaabay Gaashaanle dhexe Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Geel”.

Taliyaha ciidanka Guutada Madaxtooyada ee xilka laga qaaday ayaa la sheegay in la xiray ama shaqada laga joojiyey, waxaana lagu eedeeyay in uu qaatay amar qaldan iyo in uu dalka geliyay qatar amni darro oo halis ah, qorshahan ayaa la rumeysan yahay in lagu badbaadinaayo Farmaajo, iyadoo la ogyhaay in Afgembigaas uu ka dambeeyey Madaxweynaha.