XOG:- Farmaajo oo lala wadaagay sirta iyo xoggaha shidaalka Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxa uu sheegay inay jiraan fursado dihan oo ubaahan in Soomaaliya ka faa’iideysato.

Khudbad uu ka jeedinayey Munaasabada 26-ka juun ayuu Madaxweynaha Qaranka waxa uu sheegay in hadii lasoo saaro Kheyraadka Shidaalka Soomaaliya ay Lacago balaayiin dollar ah dadka iyo dalkaba anfici kara heli doonaan.

Waxa uu sheegay in wax soo saarka xoolaha iyo beeraha sidoo kale lagu qiimeeyey heer sare in Soomaalidu ka heli karto macaash badan hadii sidii la rabay looga faa’iideysto,sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.

Qiimeyn la sameeyey kol hore waxay Hay’ado caalami ah sheegeen in soomaalida kaga faa’iideysan heerkii loo baahnaa shidaalka badda iyo bariga ugu jira,taas oo haatan Dawlada Soomaaliya ay suuq caalami ah uraadineyso iib geynta Shidaalka dhex ceegaaga dalkeena.