XOG:- Farmaajo oo Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda u diray Rooble si loola heshiisiiyo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ee dawladda faderaalka ay xalay saqdii dhexe kulamo la yeesheen RW Rooble & M/weyne Farmaajo, si loo dajiyo xiisadaha siyaasadeed ee labada xaafiis u dhaxeeya.

Ilo katirsan golaha wasiiradda ayaa noo xaqiijiyey in Farmaajo iyo Rooble ay sheegeen in ay diyaar u yihiin dajinta xiisaddaha iyo sidii looga gudbi lahaa arrimaha siyaasadda, Kiiska Ikraam-na ay labada dhinacba cadeeyeen in ay diyaar u yihiin Cadaalad-helidiisa.

Guddi ka kooban 7 xubnood oo katirsan golaha Wasiiradda Faderaalka ayaa maanta lasii kulmaya Farmaajo & Rooble, si loo xaliyo dhammaan tabashooyinka xagga siyaasadda ah ee u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaana Arrinta NISA.