XOG:- Farxaan Qaroole iyo Taliye Xijaar oo abaabul xoogan ka wado Muqdisho.

Farxaan Qaroole iyo Taliye Xijaar
Farxaan Qaroole iyo Taliye Xijaar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saraakil ay ku jiraan, Taliyaha guud ee Booliska Generaal Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo Talihii hore ee Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Yaasin Farey, ayaa hoyga uu Madaxtoyada ka degan yahay kulamo kala duwan shalay ilaa xalay kula qaatay Fahad Yaasin, taliyihii hore ee NISA.

Lama oga qorshaha rasmiga ah ee ka dambeeya kulamadaas, hayeeshee, waxa ay ka turjumayan in hoggaanka CQS, uu wali si weyn ugu lug leeyahay eedeysane Fahad.

Kulamadaas ayaa dhaliyay is-weydiin ku aaddan sababta keentay in Xijaar iyo Qaroolle la kulmaan Fahad oo horraantii bishaan laga xayubiyay xilkii uu hayay, isla-markaana ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil, kuna socdaan baaritaanno maxakamadeed.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu dagaal ka xigo in kiiska Ikraan Tahliil loo gudbiyo maxkamad.

Farey oo aan wax xil ah heyn iyo Qaroolle, oo qeyb ka ah regime-ka waqatigu ka dhamaaday ayaan laga muujin wax xasaasiyad ah, hayeeshee, bulshada ayaa si weyn isku weydiisay waxa ku hoos duugan kulanka Xijaar iyo Fahad.

Xijaar, wuxuu qeyb ka ahaa Kooxda Farmaajo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, wuxuuse is-gaabiyay kadib markii ay bartamihii April caasimadda soo galeen Ciidamadii Badbaado Qaran ee ka soo hor jeeday muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay.

Ra’iisul Wasaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa kalsooni siiyay Xijaar, hayeeshee, kulamada kala duwan ee uu la qaatay Fahad, ayaa abuuri kara shaki hor leh.

Farxaan Qaroole iyo Taliye Xijaar
Farxaan Qaroole iyo Taliye Xijaar