XOG:- Guddiga doorashooyinka oo laga saaray Gabar lagu eedeyey in ay ka soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Murashax CC Warsame ayaa ka digay in guddiyada doorashada ee Heer dowlad gobaleed iyo Heer dowladda dhexe ah lagu soo saaro sida ay hadda yihiin.

Warsame ayaa sheegay in haddii sidaan lagu soo saaro ay mugdi gelin doonto dhax-dhaxaadnimada RW Rooble.

Dhanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Gabar kasoo horjeedey madaxweyne farmaajo laga saaray guddiga doorashooyinka sababo la xiriira inay mucaarad tahay.

“Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka” ayuu yiri cabdiraxman cabdishakuur.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble”.