XOG:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo galay xaalad jah-wareer xili uu baajiyey kulanka berri ee Guddiga joogtada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BFS ayaa loo diray farrin ah in berito oo Khamiis ah taariikhduna tahay Luulyo 13, 2023 uu jira Kulanka khamiislaha ah ee 25-aad ee Guddiga Joogtada Agendahiisuna uu yahay dhagaysiga warbixinta Guddigii loo xilsaaray ee heshiiskii Maajo 27, 2023 ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka balse isla caawa ayaa guddiga waxaa loo diray farrin labaad oo ah in kulanka uu baaqday.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey aheyd markii shan xubnood oo kamid ah guddiga joogtada ee horay loogu xilsaaray inay kasoo tala bixyeen ( Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ) ee xukuumada usoo gudbisay guddiga joogtada ay buuq ka dhaliyeen golaha shacabka iyagoo ku doodaya in isla guddiga joogtada ah aan guddiga kale laga dhex sameyn karin.

Sidookale Xubnahan ayaa ku doodaya in heshiis ama hindise sharciyeed xukuumada ka yimid oo ay gaareen golaha wadatashiga qaran ee soo gaaray guddiga joogtada uu khilaafsan yahay shuruucda dalka islmarkaana ku celiyaan xukumadii soo gudbisay sababto ah guddiga joogatada xaq uma laha in hinse sharciyeed keligood go’aan ka gaaraan.

Iyadoo weli ay taagan tahay doodii sabtida oo xildhibaanada ay ka cabanayeen oo guddoomiyaha golaha shacabkana uu balan qaaday inuu ka noqonaayo ayaa caawa guddiga joogtada ah waaxaa loo diray farriin ah in guddiga berri ay kulan leeyihiin ayna ka hadli doonaan qodobkii dooda dhaliyey ee ( heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ) ayaa waxaa billowday buuq tiro badan iyo shirar gaar gaar ah, waxaana islamarkiiba la baajiyey kulankii guddiga.

Dhanka kale Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa warqad soo qoray waxay ku sheegay in doodan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka uu Golaha Shacabka ama Guddiiga Joogtada keligood u xilsaareyn go’aana ka gaarikarin ee ay wada leeyihiin labada gole maadamada dooda ay quseyso dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa galay marxalada adag oo  xilkiisa ku waayi karo, sababtoo waxaa jiro mooshiin iyo abaabul ka dhan ah guddoomiyaha maadaama uu maareyn waayey kullamada iyo agendiyaasha golaha shacabka.