XOG hoose oo laga helay kulankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan C.Shakuur.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xogo gaar ah laga helayaa kulan xalay dhexmaray Ra’isul Wasaare Rooble iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaa oo ahaa mid albaabada u xeran yihiin.

Kulanka waxaa dalbaday Ra’isul Wasaare Rooble isagoo u yeertay Cabdiraxmaan Cabdishakuur si uu ugu yimaado xafiiskiisa Villa Soomaaliya halkaa oo sidoo kale uu dagan yahay madaxweynaa waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Waxaa Labada mas’uul ay kawada hadleen arrimaha doorashooynka iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidii doorashada si dar dar leh uga socon laheyd.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha uu kala hadlay C.C.Shakuur sidii uu maareyn lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Waxaa muuqata in C.C.Shakuur uu noqon doono lataliyaha qaaska ah ee RW Rooble ee arrimaha siyaasadda iyo doorashada iyo sidii uu uga guuleysan lahaa Farmaajo.

Waxaa dhanka kale jirta in laga wada hadlay xiriira Kenya iyo Soomaaliya oo khilaafka uu ka dhaxeeyo ay gaartay heer safiirada ay u kala yeertaan balse hadda tartiib tartiib uu u soo laabanayo.

Waxaa jira warar sheegaya in door weyn laga siin doono C.C. Shakuur siyaasadda arrimaha gudaha ee RW Rooble hogaaminayo.