XOG:-Isbedel lagu wado in lagu sameeyo Taliyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sacadaha soo socda waxaa la filayaa in isbedel lagu sameeyo xogaanka ciidanka qalabsida ee Soomaaliya kaasoo ka imaan doono dhanka Ra’iisul wasaare Rooble. Agaasimaha NISA ee Rooble magacaabay ee Bashiir Goobe ayaa lagu wadaa in laga dhigo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.Halkaan ayaa lagu hoos ka qariyey in dhammaan is bedel lagu sameyn doono taliyaasha Gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa isna lagu wadaa in laga dhigo agaasimaha NISA waa haddii ay ansaxiyaan holaha wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka cusub ee Amniga gudaha uu diyaariyey ciidamo badan oo ka amar qaata xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo la socon doono dhaqdhaqaaqa xaruunta golaha shacabka iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidanka ayaa la sheegay in  amar buuxa lagu siiyey inaysan jirin cid furi karta oo ku shirikarta xaruunta golaha shacabka.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigiisu dhamaaday uu soo saaray warqad uu ku diidan yahay magacaabista wasiirka cusub ee Amniga.

Sidookale ciidanka ayaa awood buuxda loo siiyey inay lasocdaan dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa loo sheegay in shakhsiyaad xadidan aan ka bixikarin garoonka diyaaradaha, ayagoo ka amar qaadanaya Wasiirka cusub ee Amniga.