XOG:- Isku-day dib loogu dhigayo doorashada Madaxweynaha oo soo ifbaxday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka ayaa isku-dayaya in la badalo jadwalka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya oo loo asteeyay 15-ka May.

Musharaxiinta ayaa la sheegay inay soo jeediyeen in laga dhigo 25-ka isla bishan, waxaana lumin kara taageerada caalamiga ah haddii coddeynta ka dib-dhacdo 17-ka May maadaama ay dhaceyso waqtiga dib-u-eegista caymiska.

“Laba musharax ayaa illaa haatan ololahan bilaabay, lama ogga sababta dhabta ah ee ku kalifto, mana cadda haddii ay ku guuleysan doonan soojeedintaas,” ayuu yiri qof si dhow ula socda dhaqdhaqaaqan.

Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adda lacagta aduunka in ay kordhiso mudada ay joogsaneyso dhaqaalaha dalku ka helo deeqbixiyeyaasha oo dhacaysa 17-ka bisha May, 2022.

“Daahitaanka doorashooyinka ayaa halis geliyay nidaamkam,” ayay ku doodey Muqdisho.

Wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo warqad u diray IMF ayaa ku andacoonaya in muhiim ay tahay in fursad la siiyo guulaha waaweyn ee illaa haatan laga soo gaareyo geedi-socodka doorashadda.

Hay’adda IMF ayaan wali wax jawaab ah kasoo bixin warqadda laamaha dhaqaalaha ee Soomaaliya oo ku taariikheysan 28-ka bisha April ee lasoo dhaafay balse warbaahinta lala wadaagay ama loosoo dusiyey kol dambe.