XOG: Itoobiya oo taageereysa qorshe uu damacsan yahay Shariif Xasan Sh.Aadan

MUQDISHO-AYAAMAHA- Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xusul waxa uu ugu jiraa inuu mar kale doonayo qabashada xilka madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shariif ayaa olole baaxad leh ka wada Muqdisho,islamarkaana uu kulamo gaar gaar ah la leeyahay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda KG ee ku jira Golaha Shacabka.

Shalay oo axad aheyd waxaa kulan ku yeeshay Muqdisho Safiirka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Danjire C/fitaax C/llaahi Xasan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qorshaha ugu weyn ee Shariif ee kulankaasi ayaa ahaa sidii ay Itoobiya uga taageeri laheyd dib ugu soo laabashada xukunka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar soo noqday Wasiirka Maaliyada & Gudoomiyihii Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ahaa sidoo kale Madaxweynihii ugu horeeyey Maamul gobolleedka KGS.

Itoobiya ayaa la ogaaday inay taageerto qorshaha Shariif ee dib ugu soo laabashada madaxweynaha Dawlad gobolleedka KG balse lama oga ujeedkooda iyo waxay ka faa’iidayaan.

Sidoo kale hanka Shariif Xasan ee xilkaaasi uu raadinayo waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu lix bil keliya ka harsan yahay doorashada Madaxweynaha KGS.