XOG:- Khilaaf markale soo kala dhex-galay Madaxweynaha Hir-Shsbeelle & kuxigeenkiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa shaagaya in markale Khilaaf weyn soo kala dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar dabageed.

Wararku waxaa ay sheegayaan in khilaafka uu la xiriiro qaabka loo qabanayo Saddex kursi gaar ahaan kursiga Hop#135 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Aamino Maxamed, kuwaas oo la sheegay in uu si gaar ah u doonayo Madaxweyne kuxigeenka in ay dad gaar ah ku soo baxaan.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay madaxweynaha Hir-Shabeelle, isla markaana cid ka hor-imaan karin.

” Doorashada Hirshabeelle Waxaa ka Mas,uul ah Madaxweynaha Cid kastaa oo Aqabad ku ah kabaarlamaan waxaan diyaar u nahay in aan ka hor leexino ayuu yiri” Xildhibaan Aadan Kaladiro”

Yuusuf Dabageed ayaa horay meel fagaaro ah uga sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano taas oo muran iyo kalsooni darro xoogan ka dhalatay.