Xog ku saabsan Ninkii Soomaalida ahaa ee weeraka ka geystay dalka jarmalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarayaasha ayaa raadinaya ujeedada ka dambeysa weerarkii ka dhacay magaalada Wuerzburg ee dalka Jarmalka kaas oo nin ku hubeysnaa oo Soomaali ah mindi dheer uu ku dilay seddex qof ugu yaraanna uu dhaawacay shan kale.

Muuqaallo la soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa waxa ay muujinayaan nin tooray dheer wata oo ay ka hortageen oo ay iska caabiyeen dad wadada hareeraheeda marayay.

Ninka weerka geystay oo ah Soomaali 24-jir ah ayaa waxaa laga toogtay bowdada ka hor inta aanan la xirin, waxayna booliska shegeen in xaaladiisa ay khatar ku jirin ku wajahnayd su’aalana lagu weydiinaya gudaha isbitaalka.

1: Shakiga inuu xagjir yahay:

Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato oo “aanan la hubin” inay badbaadi doonaan.

Sarkaalka ugu sareeya amniga Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa sheegay in tuhmanaha uu booliska ogaa isla markaana maalmo ka hor si khasab ah loo geeyay qeybta dhimirka.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in uusan meesha ka saari karin xagjirnimada la xiriirta mintidiinta Islaamiyiinta ah sababtoo ah hal qof oo goob jooge ah ayaa soo sheegay inuu maqlay ninka oo ku dhawaaqaya “Allahu akbar,”

2: Xilliga uu soo galay Wuerzburg

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa magaalada Wuerzburg ku noolaailaa tan iyo sanadkii 2015, oo ah sanadkii uu Jarmalka xuduudihiisa u furey in ka badan hal milyan oo muhaajiriin iyo qaxooti ka soo cararay dagaal iyo saboolnimo.

Herrmann ayaa yiri “xaaladdiisa dhanka dhimirka waxaa la ogaaday bilihii la soo dhaafay, waxaa lagu arkay dabeecad xumo isagoona sameeynayay rabshado.”

Saddexda qof ee dhintay waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidkii, sida uu sheegay wargayska Main Post.

Sida dhaqanka caadiga ah ka ah Jarmalka, booliisku ma shaacin wali magaca tuhmanaha.

Booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in ay jiraan rag kale oo weerarka ku wehliyay, ammaanka magaaladan yarna uu haatan sugan yahay.

3: Magaalada Wuerzburg

Magaalada Wuerzburg, waa magaalo qadiimi ah oo ay ku nool yihiin 130,000 oo qof waxayna qiyaastii 100 km koonfur-bari kaga beegan Frankfurt, oo muddo haatan laga joogo shan sannadood uu wiil 17-jir Pakistani ah oo magangalyo doon uu mindi ku weeraray tareen halkaas oo shan qof ku dhaawacmeen

BBC