XOG:-Kulan qarsoodi ah oo Villa Somalia ku dhex maray Farmaajo iyo Cumar C/rashiid.

MUQDISHO-AYAAAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada.

Kulanka, oo yimid toddobaad kadib markii Cumar Cabdirashiid uu soo gaaray Muqdisho, ayaa ahaa mid horey u qorsheysan oo ay kasoo shaqeeyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Ma cadda waxyaabaha kulanka looga hadlay, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ka taagan yihiin sababta uu Cumar Cabdirashiid u qariyey inuu Farmaajo la fariistay.

Cumar Cabdirashiid ayaa kulan uu ra’iisul wasaare Rooble la qaatay 5-tii December sawiradiisa ku baahiyey baraha bulshada balse sidaas oo kale ma sameyn kadib kulankii shalay.

Waxaa jira xogo sheegaya in Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid aysan isku wanaagsaneyn balse kulanka uu yahay mid lagu dhabar jebinayo mucaaradka islamarkana u heesta in Cumar Cabdirashiid uu dhankooda yahay.

Cumar Cabdirashiid oo halku dhigiisu yahay Xasilooni siyaasadeed ayaa la rumeysan yahay inuu rabo xilka madaxtinimo ee dalka isaga oo u maraya wado walbo oo uu ku heli karo.