XOG:- Labo dal oo cadaadis xoogan saaray Farmaajo iyo Rooble inay Heshiiyaan..

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa muuqata in labada dhinac ay cadaadis la kulmeen ka dib markii khilaafkoodu uu dibadda usoo baxay, siina daba dheeraaday.

Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac in ay xalliyaan khilaafkooda si arrintaasi aysan u xagal daacin amniga dalka iyo xasilloonida.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafka meel la iska dhigo oo madaxdu ay usoo jeesato dardar gelinta doorashada si dalku uu uga gudbo marxaladda kala guur ah loona soo doorto madax cusub.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo ciidamo badan ay Soomaaliya ka joogaan ayaa “ku hanjabay” in ciidmadiisa uu kala bixi doono dalka haddii aysan madaxda Soomaalidu khilaafkooda xallin.

Wuxuu sidoo kale Muqdisho u diray taliyaha ciidamada dalka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, oo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha midba gaarkiisa ula kulmay.

Dadka aaminsan in cadaadis ka yimid beesha caalamka uu fududeeyey heshiiska labada dhinac waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, isla markaana falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.

” Sababta keentay in ay heshiiyaan waxaa keenay cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenya iyo cadaadis kale oo bannaanka ka imaanaya sida Maraykanka, waddamo kale, iyo ururro waaweyn oo cadaadis ku saaray in khilaafka la soo afjar” ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.

Sidookale Uganda iyo  Qadar ayaa ah labada dal ee caadiska ugu badan saaray sidii ay u heshiin lahaayeen labada Masuul. Rooble ayaan looga yeeray Qadar iyo wafdi ka socoda Uganda oo Muqdisho yimid, ayagoo farriin hanjabaad kawada Madaxweynaha Uganda.

Labadas dal ayaa la rumeysan yahay inay door weyn ka qaateen heshiis Farmaajo iyo Rooble.