XOG laga helay kulan uu Taliyaha Booliska la qaatay saraakiil ka sooctay Interpol-ka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Booliska caalamiga ah ee INTERPOL.

Waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada G/sarre Maxamed Adan Koofi iyo mas’uuliyiin kale  oo ka socday Hayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana si gaar ah mas’uuliyiintu ay kaga wad kulanku socday howlaha iskaashiga Booliska Soomaaliyeed kala dhexeeya Booliska caalamiga ah ee Interpol.

Booliska caalamiga ah ee Interpolka ayaa xafiis ku leh xerada Xalane ee magaalad Muqdisho kaa oo ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo wadashaqeyn la leh Taliska guud ee Booliska.

Waxaa xusid mudan in Taliska Booliska Soomaaliyeed uu ka dalbaday sanadkii hore in Interpol ay gacan ka geysato sidii gacanta loogu dhigi lahaa Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland balse markii dambe la heshiiyay dowladda Federalka.

Dhanka kale waxaa wali Soomaaliya ay dhibaato xoog leh ka heysataa amniga dalka iyo waliba baaritaanada dambiyada iyadoo xarunta dambi barista ee CID aysan qaban shaqadii loogu talagalay.