XOG Laga Helay “Liis” Midowga Musharaxiinta Ay U Gudbiyeen Ra’iisul Wasaare Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ra’iisul wasaare Rooble ay u gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin magacyada 20  qof oo xubno ka ahaa Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ee heer federal iyo heer gobol.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Guddi ay Midowga Musharaxiinta u xil-saareen baaritaanka iyo turxaan bixinta guddigan ayaa shalay ku shiray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku raaceen tirada iyo magacyada xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan dadka la tuhunsan yahay.

Marka ay guddiga musharaxiinta soo gudbiyaan liiskan, ayaa waxaa la wareegi doona guddiga heerka Wasiir ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha.

Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, guda galista xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg maanta ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021, waxaana qasab ku ah musharaxiinta inay soo gudbiyaan liiska xubnaha cabashada laga qabo