Xog laga helay qorshe Villa Soomaaliya u dejisey doorashada Madaxweynaha.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Villa Soomaaliya oo ah aqalka dalka looga arimiyo ayaa shan sano kabadan wax isbadel ah ka dhicin iyadoo mudadii sharciga aheyd uu ka dhamaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu hadana weli sii deggan yahay halkaasi.

Waxaa jirtay iskudayo dhowr jeer ah oo la sameeyey si looga saaro xoog ama xeelad xarunta madaxtooyada balse taasi ma aysan guuleysan wadada loo marayey oo ay aheyd mid aan fududaanin.

Nabad iyo nolol ayaa dooneysa in juhdigii ugu weynaa ay ka miro keento dib udoorashada madaxweyne farmaajo oo dhaqaale iyadoo la adeegsanayo.

Waxaa kulamo aan loo kala kicin yeeshay xubnaha codka ugu sareeya leh Nabad iyo nolol oo qaarkood dalka iyagoo ka maqan taleefoon uga qeyb galay.

Madaxweyne Farmaajo,Lataliyihiisa doorashooyinka Cabdi Cali Raage,Lataliyihiisa Amniga Fahad Yaasiin,Xildhibaan C/shakuur Cali Mire,Madaxweyne Lafta gareen iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay kulankaasi.

Waxa laga wada hadlay waa sidii loo sameyn lahaa qorshe lagu dhabar jebinayo Deni iyo golaha Murashaxiinta lana soo bandhigo wareega koobaad in doorashada madaxweynaha lagu kala baxo oo wareeg labaad aanba la isla aadin.

Xogta waxay sheegeysaa in xildhibaanada Puntland iyo kuwa Jubbaland kasoo baxay la shukaamiyo si codkooda uu deni ku xisaabtamayo looga weeciyo.

Shaki in lagu kala dhex abuuro ayaa la doonaa maamulada xildhibaanada soo saartay,waxaana macquul ah in Deni ay ku dhacdo midii Xasan Sheekh Maxamuud oo kale habeenkii doorashada madaxweynaha la qabanayey ka hor saacado uu xildhibaano kula heshiiyey Hoteelka SYL balse ay codkoodii meel kale ugu shubeen.

Waa qeyb ka mid ah siyaasada iyo khiyaanada ay leedahay balse danaha joogtada ah ayaa laga faa’iideystaa,si baa la yiri maalmaha kooban ay kala qaataan dhaqaalaha isku keenay.