XOG laga helay safarka Cali Guudlaawe ee Degmada Cadale

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta degmada iyo Bulshada deegaanka.

Guudlaawe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Cadale, waxaana bulshada soo dhaweysay laga dareemaayey farxad gaar ah.

Degmada Cadale ayaa ah degmo xeebeed ku haboon dalxiisa inkastoo oo xaaladeeda Amniga aan wanaagsaneyd.

Wararka kale oo aan helnay ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Guudlaawe ee Cadale ay hordhac u yahay safar maalinta berri Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku tagi doonaan degmadaa.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa kasoo jeeda Maamul goboleedka HirShabeelle, waxayna dagaal culus oo doorashada ah la geli karaan Madaxweyne Farmaajo oo lagu tuhunsan yahay inuu gacanta ku haayo deegaano ay ka mid yihiin HirShabeelle iyo Koonfur galbeed.