XOG laga helay safarka Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle ee Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa gelinkii dambe ee Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Yuusuf Daba-geed kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin kala duwan.

Daba-geed ayaa ka yimid dhanka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa, isagoo halkaas uga qeyb galay Munaasabada xarig jarka Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo halkas laga dhisay.

Wararka ayaa sheegaya in la wado qorshe Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen lagu geyn lahaa Beledweyne Maadaama Bulshada qaar ee Beledweyne ay kasoo horjeedaan inuu tago Magaaladaas.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa la sheegay in ay wada hadal dhexmaray ayaga iyo Cali Guudlaawe lana dhexdhigi doono heshiis, taas oo Madaxweynaha HirShabeelle u suurtagelin doonto inuu tago Beledweyne.

Cali Guudlaawe ayaa markii la doortay ilaa hada uusan tagin Beledweyne waxaana si weyn uga soo horjeystay Bulashada qaar ee Magaaladaas.