Xog laga heley dad loo qabtay dhalinyaro laga dhoofay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska booliska Soomaaliya ayaa waxaa ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada muqdisho, islamarkaana howlgalkaasi ay ku soo qabteen dad aad u fara badan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag iyo haween la sheegay in dhalin yaro badan ay ka dhoofin jireen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadka ay qabteen ciidanka ay tiradooda gaarayso 27 qof, halka 22 kamid ah ay yihiin dumar, kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay magaalada Muqdisho ugu dhoofin jireen dhalinyaro badan, isagoona sheegay in 8 bishan kooxdan gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in dadkaan uu ku socdo baaritaan, islamarkaana sharciga la horgeyn doono.