XOG laga heley heshiiskii dhexmaray Deni iyo Axmed madoobe iyo dib ugu laabashadiisa Kismaayo.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Illo wareedyo lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe iyi Saciid Deni ay isla meel dhigeen go’aano la xiriira doorashada Baarlamaanka iyo tan madaxweyne-nimada Soomaaliya 2021-2025.

Axmed Islaam ayaa ku qanacsan qaabka uu wax u doonayo Siciid Deni, balse bud-dhigeyaasha Axmed ee Kismaayo ayaa dhiil kale ruxaya, taas oo wel wel ku abuurtay qorshe dejiyeyaasha Siciid Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam (Madoobe) ayaa galabta kasoo duulay Garoowe, xilli ay usoo dhamaatay hawlo wada tashi oo uu la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo madaxweynaha soomaaliya doonaya ayaa la ogeyn waxa uu manfac uga heli karo heshiiska Madoobe ay kala saxiixdeen.

Waxaa weli taagan tahay sida farsamo ahaan loo wajahayo doorashada kuraasta 16-ka ah ee Garbahaarey taalla, kuwaas oo ay tahay in uu maamulo guddiga Doorashada Jubbaland ee Kismaayo fadhiya, kuwaas oo aan xitaa weli hal karaani u dirin Garbahaarey.