XOG:- Loolan cusub oo u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble oo si toos ah usoo ifbaxay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Loolan cusub oo u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si toos ah usoo ifbaxay.

Loolankaan ayaa dib u billowday kadib markii RW Rooble uu dib ula wareegay hogaanka doorashada.

Kooshin Cabdi Xaashi oo dhalay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday dalaalka ugu weyn ee doorashada reer waqooyiga ay u adeegsadaan Fahad iyo Farmaajo.

Kooshin waxaa uu rabaa nin magaciisa lagu soo koobay Muqtaar, oo hada ah madaxa Maaliyada ee Hay’adda Nabasugida iyo Sirdoonka Qaranka, sidookalena ah gacanta midig ee Fahad Yaasiin iyo rag kale oo badan in la dhexmarsiiyo doorashada reer waqooyiga.

Sidookale waxaa kaloo ciyaarta kusoo biiray Boqor Buur Madow oo wakiil ka ah Xasan Cawad oo madax ka ah Shirkad Xawaaladeed oo ku taala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya lkn Milkiyadeeda laga leeyahay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Xasan Cawad waxaa uu gacan saar siyaasadeed laleeyahay Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya isagoo u balan qaaday inuu Ra’iisul wasaare ka dhigi doono haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne-nimo.

Xasan Cawad waxaa uu rabaa in meesha laga saaro xildhibaan Cismaaciil Sh.Bashiir oo katirsan Xisbiga uu Hogaaamiyo Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Himilo Qaran kana soo jeeda Beesha Maxamed Abuubakar waxaana uu rabaa in lagu belo jufada Xasan Cawad oo u dhashay Beesha Sanbuur.

Xasan Cawad ayaa la sheegay inuu u dagaalamaya beeshiisa oo wax koraas qeybsi ah kula laheyd doorashada tan ilaa doorashadii Carta, sababtoo waxay dageen Jabuuti.

Dhanka kale Professor cismaaciil Samater ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Rooble, waxaana uu u dagaalamayaa kursiga Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo Adeer u ah Professorka.

Dagaal u jeedo iyo dano siyaasadeed leh ayaa ku furan Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu imaanaya dhanka Villa Somalia, lama oga sida uu uga gaashan mankaro.