XOG:- Madaxtooyada Soomaaliya oo ka bilaabatay loolan cusub oo dhanka awoodaha ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya waxa uu wadaa qorshe uu ku doonayo in lagu yareeyo awoodaha lataliyayaasha xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyagoo saluugsan in Xamze uu la taliyayaal ka dhigtay dad khuburo ah oo hore ula soo shaqeeyay dowladii hore, kuwaasoo aan cilaaqaad toosa la lehyn Villa Soomaaliya.

Sida xogaha ay sheegayaan, kooxda Madaxtooyada ayaa doonaya iney iyaga hoostagaan lataliyayaasha ra’iisul wasaaraha, si aaney saameyn dhow ugu yeelan talooyinkooda siyaasadda ra’iisul wasaaraha maadaama ay heystaan cilaaqaad gudaha iyo dibadda ah, durba qorshaha hoos u dhigista awoodaha wuxuu ku bilowday lataliyaha dhinaca amniga Kamaal Guutaale oo loo sheegay inuu hoostagayo Lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Xuseen Macalin.

Lama oga inuu madaxweynaha wax ka ogyahay hindisaha qorshahan laakiin waxaa la rumeysan hoos u dhigista bilowgii hore galaangalkiisa bilaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Bukhaari, Lataliyaha amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo lataliye sare Aweys Xaaji oo ay saaxiibo dhaw yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Ujeedka ugu weyn ee loo beegsnayo lataliyayaashan ayaa ah maadaama ay dowladihii hore la soo shaqeeyeen, waxaana laga cabsi qabaa iney talooyinkooda leexiyaan siyaasadda ra’iisul wasaraaha, mustaqbalka dhowna ay saameyso wada shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha iyo iney raggan madax banaanadaan.

Si gaar ah waxaa sas weyn looga qabaa lataliyaha arrimaha siyaasada ee ra’iisul wasaraha Axmed Nuur Uleex oo hore uga tirsanaa kooxdii ololaha ee Xasan Cali Khayre, sidoo kalena soo noqday xogahayihii joogtada ee xafiiska Khayre, iyadoo kooxda madaxweynaha ay ninkan u arkaan inuu yahay shaqsi galaan gal badan oo ra’iisyul wasaaraha go’aanadiisa wax ka goyn kara, halka ay iyagu rabeen iney awoodaas qaataan.

Inkastoo madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamze ay hore iskala soo shaqeeyeen arrimiha waxbarashada iyo xisbigii UPD, hadana lama oga in arrintan looga gol leeyhay in lagu kontoroolo Xamze, iyagoo uga duwan madaxweynayaashii iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ay isla jaanqaadeen iyagoo aan is aqoon ama hore iskula soo shaqeynin, waxaase la tuhunsan yahay soo ifbixiada loolan labada xafiis ah ee mustaqbalka dhow.

JOWHAR