XOG:- Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu baajiyo shirka Doorashooyinka ee R/W Rooble iyo Madaxda Maamuladda?

Muqdisho-Ayaamaha-Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble in uu socdo cadaadis dib loogu dhigayo shirko looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya ee la iclaamiyay 20-ka bishaan.

Wararku waxey sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo dalbaday in dib loo dhigo ilaa 25-ka bishaan, waxaana sababta lagu sheegay in uu socdo wadahadal RW Rooble iyo MD Farmaajo ah kuna saabsan shirka iyo waxyaabaha looga hadli doono.

Madaxweyne Farmaajo oo aan ka qeybgeli doonin shirkaan sida la qorsheeyay ayaa la’aaminsanyahay in uu ka hor shirka heshiisyo la geli doono RW Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in RW Rooble diidanyahay dib u dhaca shirka inkastoo uu saaranyahay cadaadis xoog badan.

Rooble ayaa hadii uu arrintaan dhacdo waxaa uu noqon doonaa, qof aan go’aan gaari karin oo daah dagaashiisa laga hago, taas oo sababi karta in markale ay ka aamin baxaan Mucaaradka iyo maamul goboleedyada.