XOG:- Maxaad ka ogtahay qorshaha Farmaajo iyo Qoorqoor ee doorashada dib loogu dhigayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shalay markii uu warbaahinta la hadlay wasiirkii hore Amniga Galmudug ayaa banaanka yimid tuhun ahaa in madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo sidii markale doorashada dib loogu dhigi lahaa.

Muddooyinka dambe ciidamo farabadan oo katirsan dowladda Federaalka ayaa lagu daad gureeyey Magaalada Dhuusamareeb, ujeedka ciidamas ayaa ah in dagaal lagu qaado Guriceel oo Ahlu-suna ku sugan.

Qorshaha Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa ah in dagaal lagu qaado Ahlu-sunna, kadibkaas muddo socodo, doorashadana sidaas dib ugu dhacdo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in markii lala dagaalamaayey Al-shabaab ay dowladda ciidamo ku taageerin Galmudug, halka hada markii la rabo in dagaal lagu qaado Ahlusunna ay ciidamo u dirtay Dhuusamareeb.

Dhanka kale wasiirkii hore ee wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu abaabulaayo dagaallo ka dhan ah dadka shacabka ah ee kunool Magaalada Guriceel.

Waxaa uu sheegay wasiir Fiqi in aan marnaba la aqbali doonin in Madaxweynaha uu weeraro magaalooyin nabdoon oo ay ku sugan yihiin culimada Ahlusunna.

Farmaajo ayaa muddo ku dhow hal sano jooga Villa Somalia si sharci daro ahna kursiga uga fadhiyo, isagoo aan dalka doorasho ka hergelin weli.