XOG:- Muxuu Farmaajo uu uga baqayaa doorashada?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug, ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Shan, Cabdikariin Xuseen Guuled, ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuu dalka u horseeday xasillooni-darro siyaasadeed amni iyo mid dhaqaale intaba.

Guuleed, wuxuu sheegay in hal sano ay ka soo wareegtay markii Barlamaankii 10-aad, uu meel mariyay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu saxiixay 17-kii September 2020, isla-markaana tan iyo xillligaas uu Farmaajo carqalad ku ahaa doorashooyinka dalka.

“Sanad ka hor maanta oo kale oo ku beegan 20kii September 2020 ayaa Baarlamaanka Fedaraalku meel mariyey heshiiska doorashada dadban. Waxaase ayaan dari ah in ilaa maanta doorashadii dalku ay qas , jahawareer iyo hubaal la,aan ku jirto, taas oo khatar galin karta xaaladda siyaasadeed, amni iyo tan dhaqaale ee dalka”. Ayuu yiri MW hore ee Galmudug.

“Waxaa hubaal ah in ma’uuyadda arinkaas uu leeyahay Maxadweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo ilaa haatan caqabado isdaba joog ah u dhigaya sidii dalka doorashadu habsami ugu qabsoomi laheyd”. Ayuu ku sii daray.

Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, waxaa lagu xagliyaa inuu saaxiib dhow la yahay agaasimihii hore ee NISA, eedeysane Fahad Yaasiin, hayeeshee, wuxuu maalmihii la soo dhaafay waday qoraallo uu si weyn ugu weerarayo Kooxda Farmaajo hoggaamiyo ee waqtigu ka dhamaaday.

Sidoo kale, qoraal uu isla arrintaan uga hadlayay, oo uu soo dhigay Twitter-kiisa, wuxuu qeybta ugu danbeysa ku sheegay in Farmaajo ka cabsanayo doorashooyinka.

Xalay ayey aheyd markii qaar kamid ah Odayaasha ergada dooranaya xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliland looga yeeray Madaxtooyada, taasoo sababtay in Guddiga doorashadda Soomaalind ay dib u dhigaan hadal jeedintii Musharaxiinta Aqalka sare la filaayey in maanta ay dhacdo.