XOG: Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid oo isku Khilaafsan kursi ka tirsan Aqalka Sare

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xooggan oo salka ku hayo kursi ka mid ah Aqalka Sare.

Kursiga ayaa ah midka uu hadda ku fadhiyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo laga soo doortay magaalada Caabudwaaq oo ay degto beesha Mareexaan, waxaana loolanka ku saabsan yahay musharaxiinta loo soo sharxayo kursigaas.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa la sheegay inuu doonayo in kursigaas lagala tashado, halka Qoor Qoor uu doonayo in kursiga uu u qoro qof ay wadato madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah Cali Ciid uu u doonayo in kursigaas ay sanadkaan qaadato jufada uu ka yahay Mareexaan, waxuuna u rabaa gabar ay walaalo yihiin oo la yiraahdo Fardowsa.

Ma cadda, cidda ay Villa Somalia la rabto kursigaas, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in labada dhinac ay ka siman yihiin in jufada hadda ku fadhisa laga wareejiyo, lana siiyo jufada Cali Ciid, balse waxa la isku hayo ay tahay qofka la siinayo.

Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senatorka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga, ayaa wararku ay sheegayaan in Villa Somalia ay dooneyso in loo wareejiyo Golaha Shacabka.