XOG: Qorshe Axmed Madoobe Lagu Dili lahaa Oo Itoobiya Qeyb Ka Tahay oo Hal Nin Is Hortaagay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku fashilmay qorshe ay ku doonayeen in lagu khaarijiyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xiriir dhow la leh Dowladda Kenya.

Qorshahan oo wax lagala wadaagay Dowladda Itoobiya ayaa lagu diyaariyay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Dhexe ee Nabad Sugida, waxaana loo xilsaaray xubno ka tirsan maamulka Jubbaland oo qalbiga kala dagaalsan Axmed Madoobe oo mudo ka badan 7-sano xilka madaxweynaha Jubbaland xoog ku heysta.

Farmaajo & Fahad Yaasiin oo jar cusub la ciyaaray dhammaan madaxdii maamul goboleedyada ee ka horjeeday, kana guuleystay marka laga reebo Axmed Madoobe ayaa dhammaan ku guuldareystay qorshiyaashii loo maleegay hoggaamiyaha Jubbaland ee mar ka mid ah madaxdii Xooggaga islaamiyiinta ee soo maray dalka.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo loo bandhigay qorshahan ayaa iska diiday, wuxuuna u sheegay raggii u soo bandhigay inuusan dhabarka ka wareemeyn saaxiibkii halganka dheer ay isla soo mareen,islamarkaana uu doonayo in markale wax ka dhiso sidii uu kursiga ugu soo laaban lahaa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo oo wax ka waday falkan ayaa waayay fursad ay kula kulmaan Axmed Madoobe, waxaana caadiyanba madaxweynaha Jubbaland uu iska ilaaliyaa ciidanka Itoobiya iyo saraakiishooda,maadaama xiriir wanaagsan kala dhaxeey Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa kal hore qiray in Dowladda Federaalka ay isku day iney soo xirto, balse ay ku fashilantay.

Khilaafka maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya iyadoo heshiis walba oo la gala sidii loogu talagalay u hirgelin.

Dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir dhow la leeyahay Xukuumadda Nairobi oo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeyn Soomaaliya.