XOG:-Saciid Deni oo waji gabax kala kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa berri dib ugu laabanaya Garoowe ka dib markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh isku fahmi waayeen in uu u magacaabo Raysal Wasaaraha dalka.

Ilowareedyo ayaa timaamaya in Saciid Deni uu maalamahan Muqdisho kawaday olole xoogan isagoo si joogto ah Xildhibaanada ula kulmayay, si ay u qeyb qaataan dadaalada uu ugu jiro xilka Ra’iisyul wasaaraha Soomaaliya.

Wararlagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka cabsaday in Saciid Deni ay is fahmi waayi doonaan, Saciid Denina uu yahay nin aad u kulkul oo dabeecad ahaan aan duqaad badneyn.

Muddooyinkii dambe ayaa siyaasiyiin ka soo kala jeeda Jubbaland iyo Puntland waxay si weyn ugu loolamayeen xilka Raysal Wasaaraha, waxaana lagu wadaa in madaxweynuhu magacaabo ka hor 15-ka Juun kolkaas oo ay u buuxsamayso muddo bil ah tan iyo doorashadiisii.