XOG:-Saraakiisha Puntland oo ka cabsi qaba in ciidamo gurmad u ah PSF ay soo galaan Boosaaso.

BOOSAASO-AYAAMAHA-Saraakiisha Puntland ayaa joojiyey baabuurta soo galaya Magaalada Boosaaso iyada oo lagu celinayo degmada Carmo oo u jirta 100km, waxaana maamulka Puntland ay sheegeen in laga cabsi qabo in ciidamo taageersan taliska Ciidanka PSF ee xilka laga qaaday ay soo galaan Magaalada. .

Arrintaan ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay dhaqdhaaqyada ciidan ee Puntland ay ku sheegtey in ay ku sugayso ammaanka magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ciidamo kala taageersan taliska PSF iyo Madaxweyne Deni ay si weyn u soo galeen Magaalada.

Xiisadda ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee PSF iyo madaxtooyada ayaa weli taagan, dowladduna waxa ay sii xoojinaysaa dhaqdhaaqyada ciidan ee Boosaaso, halka PSF ay ku sugan tahay xeradooda oo dhacda bariga magaalada.