XOG: Shariif Sheekh oo iska casilay xilka gudoomiyaha midowga murashaxiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegayaan in xilka iska casilay gudoomiyaha golaha midowga murashaxiinta soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed.

Waxa uu qoonsaday arimo dhowr oo ay ku dhaqmeen xubnaha kale ee midowga murashaxiinta iyo sida ay uga hadleen xaalada dalka oo aysan isku aragti ka noqon.

Xisbiga Himilo qaran oo Shariifka hogaamiyo waxay sheegeen inay arimaha doorashada iskood iskugu diyaarinayaan islamarkaana kulamo siyaasadeed gaar gaar ah uu waday maalmihii lasoo dhaafay.

Xogta la ogaaday ayaa sheegeysa in shariifka uu xubnaha kale ee midowga murashaxiinta la wadaagay inuu xilkii uu hayey golaha iska casilay.

Xasan Sheekh,C/qaadir Cosoble,Daahir Geelle,Mustaf Dhuxuloow iyo xubno kale ayaa la sheegay inay kulan ka yeelan doonaan cida ay hogaamiyaha udooran doonaan.

Kala shakiga ku yimid xubnaha ee midowga murashaxiinta ayaa lasoo tebinayaa inay kusoo aadeyso iyadoo ay soo dhawaatay doorashada howlaheeda maadaama golaha shacabka la isku diyaarinayo.