XOG: Sheekh Shariif oo iska diiday go’aankii Midowga Musharaxiinta.

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.
Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh Axmed oo safar dibedda ah dalka uga maqan ayey xoguhu sheegayaan in uusan qayb ka ahayn warqadda kasoo baxday madaxda Midowga Musharraxiinta, taas oo laga dheehan karo qaabka ay uga fal celiyeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggamiyo Sh Shariif.

o Xog-ogaal ah ayaa  xaqiijiyay in maalmihii ugu danbeysay ee uu dalka ku sugnaa Madaxweyne hore Sh Shariif uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo intaas ay usii dheer tahay in uu ahaa shaqsiga keliya ee Midowga Musharraxiinta ka tirsan balse uu xariirka wanaagsan kala dheexeeyay Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Shariif ilaa hadda ma caddeyn go’aankiisa ku aaddan warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, taas oo lagu sheegay in Shirweyne Wadatashi ah ay ku qaban doonaan sidoo kale guddiyo ay dhawaan magacaabi doonaan.

Shariifka ayaa aaminsan in dalkana daawasiisa ay doorasho tahay islamarkaana la taageero sidii ay ku qabsoomi laheyd.

Sheekh Shariif ayaa la aaminsanyahay inuu yahay shaqsiga ugu awooda badan mucaaradka ee heli kara ciidanka ugu badan.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Sheekh Shariif uu xiriir la leeyahay Villa Soomaaliya.