Xog sirdoon oo laga helay warshadaha Ruushka ee sameeya qalabka Miltariga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Milateriga Ukraine ayaa ku warramaya in shirkadda soo saarta sidookalena dayactirta taangiyada Ruushka ay joojisay shaqadii.

Warshadan oo ku taal gobolka Chelyabinsk ee badhtamaha Ruushka, ayaa shaqada joojisay kaddib markii ay gabaabsi noqdeen qaybo ka mid ah qalabka dibadda laga keeno, sababo laxiriira cunaqabateynadda Ruushka lagu soo rogay.

Warshadan ayaa ah midda kaliya ee soo saarta Tangiyadda Ruushka.

Ma jiraan wax warbixin ah oo ku saabsan xarunta Uralvagonzavod ee ay warbaahinta Ruushka qortay, BBC-dana awood uma helin inay xaqiijiso xogta ku jirta bayaanka Ukraine.