XOG:-Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Haramcad oo hal qof loo magacaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoose oo aynu helnay ayaa tilmaamaya in goordhaw si rasmi ah loo soo saari doono magacaabista Taliyaha Cusub, kaasi oo hadda ay socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu shaacinayo Taliyaha Cusub.

Goordhow ayaa la filayaa in la Magacaabo Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Xilkaasi oo horay u hayay Taliyihii dhawaan la dilay Farxaan Maxmuud Aaadan Farxaan Qaroole.

Xilka Taliyaha Qaybta guud ee Boooliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa hayay Alle ha u naxariistee Taliye Farxaan Qaroole oo dhawaan Al-Shabaab ay qarax ku dileen, kadib markii qarax uu ku haleelay degaanka Basra ee Gobolka SHabeellaha dhexe.

Taliyaha Cusub ee dhawaan la shaacin doono ayaa isku qaban doono labadii xil ee horay uu u hayay Farxaan Qaroole, ee kala ahaa Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Haramcad.

Wararka aynu helnay ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in hadda ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaaabayo Taliyaha Cusub.