Xog; Waa maxay ujeeddada ka dambeysa safarka Rooble ee Jubbaland?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose. 

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku beegan maalmo kadib markii uu Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ku laabto Kismaayo, isagoo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. 

Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiskii laga gaaray doorashada ka dhici doonto magaalada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo. 

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhameystiri doonaan waxyaabaha suurta gelin kara in Garbohaarey ay ka qabsoonto doorasho nabad ah, xilli dadka halkaas dagan aysan taageersaneyn maamulka Axmed Madoobe. 

Sidoo kale warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in turxaan bixinta doorashooyinka Gedo ka dib ay labada masuul iska waraysan doonaan meel laysaga dhigi lahaa wixii madmadoow iyo tabasho dambe ah oo ay dhici karto inay caqabad ku noqdaan arrimaha doorashada.