Dhuusamareeb-ayaamaha.com Waxaa malinkii labaad galay wada-hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA,mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kuwaasi oo ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wada-hadalladan oo socday shalay iyo maanta ayaan weli laga gaarin wax natiijo ah oo la taaban karo, iyadoo dhinacyadu ay isku mari la’ yihiin habka loo maareynayo xilliga kala-guurka ah ee Galmudug iyo in Qoorqoor uu ka tanaasulo tartanka doorashada madaxweynaha Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha Galmudug ayaa ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay tartan doorasho oo furan, isagoo caddeeyay inuu soo dhoweynayo musharrax kasta oo la tartamaya, balse uusan marnaba ka tanaasuli doonin ka qeybgalka tartanka madaxtinnimada.
Labada dhinac ayaa weli isku khilaafsan hannaanka iyo mudeynta doorashada soo socota, taas oo keentay in wada-hadalladu ay jiitamaan.
Maadaama aan weli wax isku soo dhowaansho ah laga gaarin is-afgaradka, labada dhinac ayaa ku ballamay inay kulamo kale isugu soo laabtaan maalinta berri ah, si loo sii ambaqaado wada-hadallada, loona raadiyo xal siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca kale, khilaafkan taagan ayaa si toos ah u saameeyay qorshihii safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ay heshay Ayaamaha.com ayaa sheegaya in Taliyaha NISA, Mahad Salaad, oo la sheegay inuu taageerayo musharraxa Villa Somalia ee madaxtinnimada Galmudug, ganacsade Liibaan Shuluq, uu doonayo in Qoorqoor looga dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa, iyadoo taas beddelkeeda loo bandhigayo shuruudo iyo ballanqaadyo dhaqaale. Arrintan ayaa weli la isku fahmi la’ yahay.
Siyaasadda Galmudug ayaa hadda mareysa marxalad xasaasi ah, waxaana isha ku haya shacabka iyo madaxda heer federaal, iyadoo la dhowrayo isbeddelka ay keeni karaan kulamada berri loo qorsheeyay.











