XOG:- Wasiir katirsan xukuumada Rooble oo berri kursigiisii xildhibaanimo weynaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirada waayey xildhibaanimada sanadkaan Baarlamaanka 11aad Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirada Batroolka,beeraha,Qorsheynta,Gaadiidka iyo Duulista Hawada,Xanaanada Xoolaha & Wasiiro kale.

Marka la eego xubnaha ugu dhawaa Farmaajo ee waayey Baarlamaanka inay dib udifaacdaan kuraastooda ama inay qaarkood haminayeen,hadana waxaa jira siyaasad weji cusub ah oo dadka ay barteen.

Doorasho berri ka dhaceysa baydhabo ayaa 18 sano kudhawaad waxaa kursiga xildhibaanimo weyn doona Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni).

Waxa uu Xuseen Ka mid ahaa Xildhibaano muddo kusoo jiray baarlamaanka islamarkaana la sheegay inuu sanadkaan liiska mudanayaasha kasoo galaya Koonfur galbeed iska waayey.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#167 waxaa la sheegayaa in kursigaas loo xiray Cabdisalaan Cali Cabdi,sida ay ogaatay Warbaahinta Warqaad,waxaana Wasiir Xuseen Badni uu waayey difaacashada xildhibaanimadii uu ku fadhiyey.