XOG Xasaasi ah oo ku saabsan safarkii Xildhibaan Sacdiyo ee Boosaaso iyo Lacago laka qaatay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-11kii July 2022, Maalin isniin ah waxaa magaalada muqdisho ka baxay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar iyadoo ku sii jeeday magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Baaritaan aan Sameynay waxay xaqiijinayaan;

In Madaxda sare DFS qofna kala soconin safarka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar, si la mid ah dowlad goboleedka Puntland war kama haynin waftiga Guddoomiye kuxigeenka, ayaduna cid kalama xiriirin maamulka Puntland.

Diyaaradda Guddoomiyaha waxaa saarnaa dhowr kartoon oo la sheegay in ay gargaar ahaayeen, balse marka la ogaaday qiimaha diyaaradda la kireeyo in uu yahay $12000 (laba iyo kun oo Dollar) iyo qiimaha kartoonada in aysan isu dhigmin ayaa dhalisay hadal hayn weyn.

Xog rasmi ah oo aan helnay ayaa lagu ogaaday in marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar iyo Taliyaha ciidama PSF Maxamuud Diyaane in dhowr maalin ay ku shireen Hotelada Airport ka Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in taliye Maxamuud Diyaane ka codsaday guddoomiye kuxigeenka 1aad sidii ugu caawin lahayd sidii saanad military ay ku geeysan lahaayeen magaalada Boosaaso, halkaasna ugu ballan qaaday in ay u geyso.

Waxaa la ogaaday in saanad military ay wadday guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidaa awgeedna ay kala xiriirtay Puntland Boqor Burhan iyo Ilma diyaano oo kaliya.

Waftiga Marwo Sacdiya marka ay ogaadeen maamulka Puntland oo ay ku amreen in ay noqoto waxaa diiday oo soo doonay ciidankii PSF oo saanadda loo waday, halkaasna uu dhacay iska hor imaad ay ku dhinteen 26 qof kuna dhaawacmeen dad badan.

Sidaa awgeed mas’uuliyadda khasaaraha ka dhacay Airport-ka Boosaaso ee isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur hantiyeed ma waxaa ka mas’uul ah madaxda Puntland mise Guddoomiye ku xigeenka oo sifa sharci faro ah ku wacday ciidanka dagaalka bilaabay.