XOG:-Xildhibaannada cusub oo la kulmaya cabsi iyo hanjabaado culus

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaanka qaar ka mid ah laamaha ammaanka, gaar ahaan Hay’adda NISA, ayaa billaabay, cabsi-galinta xildhibaannada dhawaan loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee JFS, sida ay sheegayaan xogo kala duwan.

Kadib, khaarijintii Allaha u naxariistee, Xildhibaan, Aamino Maxamed Cabdi, loogu geystay Baldweyne, waxaa si weyn suuqa loo galiyay war sheegaya in la beegsan doono dhallinyarada ku cusub golayaasha baarlamaanka ee ka aragtida duwan Farmaajo, haddii aysan degin huteellada ku yaalla aagga Madaxtooyada.

U-jeedku waa cabsi galin iyo in dhallinyarada aan waaya aragnimada hore lahayn, isla-markaana aan wali sal-dhigan caasimadda, ilaalada fiicanna aan heysan, isku dhiibaan kooxda waqtigu ka dhamaaday, ama degaan aag ay adkaan doonto in musharixiinta kale, galaan-gal iyo dhaqdhaqaq olole doorasho ku yeeshaan.

Hoggaanka NISA, waxaa ku magacaaban, Yaasiin Farey, oo darawalka iyo waardiyaha Fahad ahaa, halka, ay laamaha kala duwan ee hay’adda ka howl-galaan, saraakiil iyo askar ka amar qaata Fahad, oo la rumeysan yahay inuu masuul ka ahaa weerarkii garoonka diyaaradaha iyo qaraxyadii magaalada Baladweyene.

Jiritaanka hanjabaadda iyo cabsi-galinta, suuqa la soo galiyay, waxaa dhankiisa xaqiijiyay, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ahaa adeegayaasha Farmaajo, shanti sano ee la soo dhaafay, kaas oo xildhibaannada cusub ugu baaqay in “qarax dhacay iyo qof la dilay aan lagu cabsi galin”, una isaagaan badbaada dalka.

“Yaan la’ idiin ku cabsi galinin, codkiinna kor u qaada, ra’yigiinna caddeeya, cadaaladdana haloo hiilliyo”, ayuu yiri Jeesow, oo si aan ganbasho lahayn u sheegay in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin dalka ku wadaan jidkii ay martay xukuumaddii Afgaanistaan, wuxuuna ku taliyay in ay loo istaago ka xoroobidda dhagar-qabayaasha.

“Dilalka joogtada ah, dhiigga daadanaya, falal danbiyeed-yada is daba joogga ah iyo daba-gal la’aantooda dadka uma sii dulqaadan karaan, Xubnaha labada aqal ee la soo doortay masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran badbaadinta dalkan haadaanta ku sii dhacaya”. Ayuu ku sii daray.

Daahir Amiin Jeesow, wuxuu ka mid ahaa, shaqsiyaadii shanta sano u sacbinayay Farmaajo, xitaa wuxuu ugu horreeyay xubnihii baarlamaankii 10-aad ee muddo kordhintii sharci darrada ahayd sameeyay, wuxuuna dadaal xooggan ku bixiyay inuu dabool saaro kiiskii Ikraan Tahliil.

Jeesow, waxaa hor taalla fursad uu dadkiisa ugu adeegi karo, ugana bixi karo aashuun ku addinka iyo cabsida uusan kaga baxsaneyn gacmaha kuwa dilay gabdhaha uu adeerka u yahay, [Aamino iyo Ikraan], waa inuu runta abaaro, una istaago raadinta xaqa F&F kaga maqan dadkiisa.